Wararka

golaha wasiirada Dowlad-goboleedka Jubbaland oo maanta shirkoodi asbuuc laha yeshay.

Waxaa manta magaalada kismaayo ee caasimada KMG ah Dowlad-goboleedka Jubbaland  ka furmay shirka golaha wasiirada Dowlad-goboleedka Jubbaland kaas oo ah mid asbuucla ah oo dhaca maalinta Khamiista.

Shirka inta uu socday waxaa looga hadlay qodoba ay kamid yihiin  arrimaha siyaasadda, Amniga iyo abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland.

Kulanka waxaa shir guddoomiyey Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne ku-xigeenka labaad Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud.

Kullanka waxaa warbixin loogadhagaystay Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed isagoo faah-faahin ka siiyey saameynta abaarahu ku yeesheen bulshada iyo biyo dhaaaamin ay wasaaraddu ka samaysay qaar kamid ah deegaanada ay biyo yariddu ka jirto.

Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan ayaa warbaahinta lawadaagay waxyaabihii kasoo baxay shirka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close