Wararka

Qunsuulkii Ingiriiska u joogay Hong Kong oo la’layahay.

Safaaradda Ingiriiska ay ku leedahay caasimada Beijing  ee dalka Shiinaha ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay maqanaashada qunsuulka Ingiriiska u fadhiyay Hong Kong kaas oo la’lasanyahay ilaa 9-kii bishaan Agoosto.

Safaaradda ayaa masuuliyiinta Shiinaha iyo kuwa Hong Kong ka codsatay in ay faah-faahinno dheeri ah ka bixiyaan maqanaashada qunsuulkoodi Hong Kong.

Sida laga soo xigaty website wararka lagu daabaco oo laga leeyaayahay dalka Shiinaha oo layirahdo Hong Kong news (HK01) kaas oo khamiistii waraysi layeeshay qoyskii iyo saaxibadii qunsuulka la’lasanyahay ayaa sheegay in 9-kii bishaan Agoosto uu booqasha ugu baxay caasimada dariska la ah Hong Kong ee Shenzhen dibna uusan ugu soo laaban Hong Kong.

Ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay masuuliyiinta dalka Shiinaha ma jiraan aan ka aheyn in ciidamada Booliska Hong Kong ay sheegeen in warbixinta ninkaas oo lagu magacaabo Simon Cheng ay soo gaartay 9-kii bishaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close