Wararka

Bashiir Goobe. “Waxaan dib u dhis ku sameynay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo xarumihii ciidanka mudadii an xafiiska joogay”

Waxaa maanta magaalada Mugdisho ee caasimada dalka lagu qabtay  Munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta Taliska Guud ee ciidanka Asluubta.

Munaasabadaasi oo uu xilka ku wareejinaayay Taliyihii Hore  ee ciidanka Asluubta Somaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Caddaaladda Avv.Xasan Xuseen Xaaaji,Wasiirka Dhalinyarada iyo Sportiga Khadiijo Mazamed Diiriye,Xeer ilaaliyaha Guud Dr.Axmed Cali Daahir iyo Madaxda maxkamadha dalka iyo marti sharaf kale.

Sareeye Guur Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) ayaa taliyaha cusub faah faahin ka siiyaya waxqabada ciidanka Asluubta muddadii uu xilka hayay,isagoo xusay in ciidanka Asluubtu ay ku xuquuq yihiin qeybaha kale ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

“Waxaan dib u dhis ku sameynay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo xarumihii ciidanka mudadii an xafiiska joogay, waxaan sidoo kale ciidamada Asluubtu ay dowr muuqda ka qaateen dib u dhiska goobaha taariikhiga ah ah,sida Daljirka Taalada SYL,Xaawa Taako,Dhagaxtuur iyo gooboo kale”. ayuu yiri Bashiir Goobe.

Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Somaaliyeed Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan ayaa ku ammaanay S/guud Bashiir Goobe mudadii uu xafiiska uu joogay waxyaabihii u qabsoomay,isagoo balanqaaday in uu dardar gelin doonon dhameystirka howlaha horyaala taliska.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close