Wararka

(FAAHFAAHIN): Waa maxay u jeedada Ciidamada AMISOM loo geeyay Magaalada Dhuusa-mareeb?

Magaalada dhuusa-mareeb ayaa waxaa kasocota qaban qaabada shir-waynaha dib-u-heshiisiinta beelaha wada dago Galmudug iyo waliba Howlo loogu gogol xaarayo doorashada madaxtinimada Galmudug.

Ciidama kasocday dalka Jabuuti oo ka tirsan ciidamada Howlgalka Nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad Goboleedka Galmudug.

Cidamada ayaa markii ay Magaalada gaareen waxaa soo dhaweeyay Saraakiisha Qaybta 21aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Xildhibaano Heer Federaal ah iyo Bulshada magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada dhuusa-mareeb ayaa waxaa kasocota qaban qaabada shir-waynaha dib-u-heshiisiinta beelaha wada dago Galmudug iyo waliba Howlo loogu gogol xaarayo doorashada madaxtinimada Galmudug.

Sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidamadan AMISOM, ciidamadaan ayaa ka qayb qaadan doona Sugida Amniga magaalada Dhuusa-mareeb inta ay socota shirka dib-u-heshiisiinta iyo doorashada lagu wado in ay Galmudug ka dhacdo.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhankooda sheegay in ciidamadan inta ay joogaan ay ka qeybqaadan doonnaan Howlo muhiim oo dhinaca Amniga la xiriira.

Taliyaha Qeybta 21 aad ee Ciidamada Xooga dalka, Gen Cabdicasiis  Cabdullaahi Qooje oo goob fagaara ah oo Ciidamadaas lagusoo dhaweynayey ka hadlay ayaa sheegay u jeedada ay ciidamadaan u tageen Dhuusa-mareeb.

“Ciidamada walaalaheen ee hiil-walaal ee ka socda dalka Jabuuti hadana u yimid inay naga caawiyaan arimaha Amniga, shirarka socda, iyo la dagaalanka Argagaxisada intuba waxaan rajeynayaa inay si fiican noogala  shaqeeyaan, si waynna waan usoo dhaweyneynaa waana ku faraxsannahay inay noo imaadaan” ayuu yiri  Gen Cabdicasiis  Cabdullaahi Qooje.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close