Wararka

qasaaro ka dhashay roob ka da’ay caasimada dalka.

24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa caasimada dalka ka da’ay roob xoogan oo saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo waliba dad danyar ah oo ku nool gurya aanan difaaci karin dufaanta roobka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banadir ayaa maanta booqday goobaha uu saamaynta ku yeeshay roobka iyo guryo ay ku noolaayeen dad danyar ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay roobka.

Guddoomiya Guxigeenka howlaha guud iyo Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banadir Cumar Cali Cabdi iyo Maxamed Cabdullahi Tulax ayaa ka warbixiyay qasaaraha uu gaystay roobka waxaa ayna sheegeen in ay caawiyiin dad masaakiin ah iyagoo dhanka kale ka codsaday shacabka ku dhaqan caasimada in ay u gar gaaraan walaalahooda dhibaataysan.

Roobabkii ka da'ayay 24-kii Saac ee lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ayaa saameyn Xoogan ku Yeeshay Qeybaha bulshada Ayadoo Wadooyinka Halbowlayaasha Qaar uu Xiray.Cumar Buule

Posted by TUSMO TV on Sunday, 12 July 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close