Wararka

Qaramada Midoobey oo dhimaysa 1,000 askari oo hor leh oo ciidamada AMISOM kamid ah.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in ladhimo tirade ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya si loo gaarsiiyo 19,626 oo askari.

Qaramada Midoobey ayaa Jimcihii shalay isku raacay in 1,000 askari oo hor leh laga saaro dalka, iyadoo aanay si rasmi ah loo sheegin dalka uu noqonayo waxaana Qorshahan cusub golaha hor dhigtay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah Wadamada bixiya deeqaha lagu socodsiiyo howlgalka AMISOM.

Howlgalkan AMISOM ayaa socda muddo ka badan 11 Sano, iyadoo aan weli laga gaarin natiijo fiican, maadaama Al-Shabaab ay tahay caqabad muuqata oo ku hor gudban dowladnimada Soomaaliya, kuwaasoo awooda inay weeraraan xarumaha dowladda iyo AMISOM.

Howlgalkan AMISOM ayaa socda muddo ka badan 12 Sano kaas oo soo bilawmay sanadkii 2007, ciidamadaas ayaana isugu jiray dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda,kuwaas oo ka howlgala Konfurta iyo Bartamaha Soomaalia.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close