Wararka

Puntland oo ciidama cusub u dirtay aagaga difaaca maamulkaasi.

Ciidammada Daraawiishta Dawlad Goboleedka Puntland ee Beder iyo Uxud ee dhowaan Tabarbarka loo soo xiray ayaa u ambabaxay Furimaha Difaaca Puntland ee ay horay u fadhiyeen.

Ciidammadan ayaa loo dhamaystiray dhammaan gabkii Ciidammada waxana saakootiyay Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidammada ahna Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi,Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Galan,Taliyaha Guud Ciidammada difaaca Puntland Gen Yaasiin Cumar Dheere iyo Taliyaha Ciidammada Booliska Puntland Sareeyo Guuto Cabdi yare.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxwaynaha Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni uu Tabarbarkii Ciidammadan u soo xiray waana talaabo dhanka horumarka Ciidammada oo horay loo qaday.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close