Wararka

Ninkii weerarka ku xasuuqay muslimiinta degmada Christchurch oo maxkamad la soo tagay.

Ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerarkii lagu xasuuqay Muslimiin  saladda jimcaha tukunaysay ayaa la soo taagay maxkamad ku taal dalka New Zealand.

Brenton Tarrant oo ah 28 ayaa maxkamada degmada Christchurch ka soo muuqday isagoo indhaha ku gubaya saxafiyiinta ku  sugneyd maxkamada.

Tarrant oo gacmaha ka katiinadeysnaa xirnaana dhar cad,kabana aan xirneyn ayaa xaakimkii maxkmada u aqriyay dambiyada loo haysto oo ah dil, waxana uu ruxay madaxiisa isagoo la amray in xabsiga lagu sii hayo illaa April 5 markaas oo maxkamada sare ay dhagaysan doonto dacwadiisa.

Xaakimka Maxkamada Paul Kellar ayaa u oggolaaday weriyaasha inay sawiro ka qaadaan eedeysanaha balse aan la muujin wajigiisa.

Brenton Tarrant ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii shalay salaadii Jimce rasaasta ku furay muslimiin ku tukanaysay labo masaajid oo ku yaal dalka New Zealand,waxaana ku dhintey 49 ruux halka 48 kalana ay ku dhawacmeen  weerarkan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close