Wararka

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah ayaa dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa Shaqo.

Kooxda ayaa ku weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Abuukar Cilmi Juuni Goob Ganacsi oo uu dhawaan ka Shaqa bilaabay taas oo ku taalla Magaalada Cape Town ee Wadanka koonfur Afrika.

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu sheegay in muwaadinka la dilay uu dalkaasi ku noolaa mudo 10 Sano ah, hayeeshee Goobta Ganacsi ee lagu dilay uu ka howlgalayay mudo Afar Cisho ah kaliya, isla markaana uu rajeynayay in uu dib ugu soo laabto Soomaaliya.

Kooxa Burcada aheyd ee dilka geysatay ayaa Goobta ka baxsatay,waxaana Meydka Muwaadinka Soomaaliyeed Goobta ka qaaday qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida oo deris la ahaa Ninka la dilay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkan 2019 waxaa kusoo kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata,waxaana weli jirin cid isku-dayday inay ka hor tagto dilalkaas ee labada dal ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close