Wararka

Munaasabad Lagu Weyneynaayo 12-ka Apriil oo maanta lagu wado in lagu qabto xaruunta wasaarada Gaashaandhiga.

Munaasabad lagu xusayo 59-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada xoogga dalka ee 12 April ayaa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka.

Madaxda ugu sareysa dalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan munaasabaddan maalinta qiimaha badan ee 12-ka April oo sanad kasta xiligan oo kale ay u dabaal-dagaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa la filayaa inay munaasabadda maanta ku soo bandhigaan dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar.

Madaxda Qaranka ayaa Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna sanadkaan ay u dabaal degayaan sanad guuradii 59 aad.

12-ka April sanadkii 1960 ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye, ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed oo xiligaa Ka xurooobay  Gumeystihii Talyaaniga.

Munaasabadda 12-ka April ee sanadkan 2019ka oo ah sanadguuradii 59aad ee ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, waxay ku soo beegantay xilli Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku tallaabsaday horumarro dhinacyo badan leh, islamarkaana ay socdaan qorshayaal kor loogu qaadayo Tayada iyo hoggaan Ciidanka xoogga dalka  iyadoona ay jiraaan qosheyaaal dhalinyarada ksuoo biiray ciidanka ee jaaamiciyiinta ah sidi hogaanka ciidanka dalka ay Kaalin Muuqata uga qeyb qaadan lahaayeeen.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close