Wararka

Maxkamada ciidanka Ayaa Xukun Dil Ah Ku Riday laba Xubnood Oo Ka Tirsanaa Al-shaab.

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Xukun Dil ku riday canshuur cismaan abuukar cumar oo 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan oo 25 jir ah, Kuwaas oo ka tirsanaa Al shabaab sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka Sida Xasan Cali Shuute.

Eedaysanaha 1aad Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad), waxaa si gaar ah loogu  eedeeyay in uu  ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab, kana soo shaqeyay xiliyo kala duwan Qeyba ay ka mid yihiin  Jabhada, weerarada baabuurta lagu fuliyo iyo Qaraxyada ismiidaaminta oo uu sahmiye u ahaa, isagoo si gaar ah ugu eedaysan inuu fuliyay Weeraro Dil Iyo Qaraxyo Dabadan Ay Ku Dhinteeen.

Eedaysanaha 2-aad Maxamed Cali Boorow Aadan Ayaa Isna Waxa Lagu Eedeeyay in uu ka tirsan yahay  kooxda Al-shabaab gaar ahaan Qeybta qaraxyada,isla markaana uu qayb ka ahaa Sahmintii Qaraxii lagu weeraray Degmada H/wadaag 02/09/2018 oo sababay Dhimashada 8ruux iyo Dhaawaca 27 ruux oo kale, sidoo kale wuxuu qeyb ka ahaa eedaysanuhu isaga iyo Eedaysanaha 1aad qaraxii ka dhacay Tiyaarka qaranka 22/12/2018 oo ay wadeen gaarigii 2-aad ee ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon .

Dood Dheer Ka Dib Maxkamda Darajada 1aad e Ciidanka Qalabka Sida ayaa Xukun Dil Ah Ku Xukuntay Labadaasi Eedeysan Iyadoona Lagu Wargaliyay Cidaan Ku Qanacsaneyn Xukunka Eedeysanayaasha In Ay U Furantahayt acfaaan.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close