Wararka

Maxaa looga hadlay Kulankii wadatashiga DXDFS oo maanta ka furmay Dhuusa-mareeb.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta daahfuray shirka wadatashiga Dowladaha Xubnaha ka ah DFS oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Laftagareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madashaan waxaa goobjoog ka ah xubno ka tirsan golayaasha Xukuumadda DXDF iyo xildhibaano heer fadaraal ah iyo bulshada rayidka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Shirkaan si gaar ah diiradda ugu saari doonaan sidii looga tashan lahaa doorashada soo socda. sidoo kale Waxaa uu xusay in uu rajo qabo in lasoo afjaro Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

“Shirkan waa shaqo madaxda dowladda federaalka loo qabanayo, waa dowladihii madaxda aad u aheydeen, “Doorashada qof iyo cod waa mid qurux badan waana gaari doonaa, aan sameyno wixii aan ka badin weyno kana tashano, waxa aad heysato waa la iimaansadaa hadba wixii aan awoodno” Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Dhankiisa madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aysan jirin cid doonayso in doorashada ay ku dhici wayso wakhtigeeda.

“Markii ay dhamaato 4-ta sanno ee xil heynta ah, ninka talada haya waa in uu isku diyaariyo in la badalo ama uu doorasho galo, ma jirto wax la dhaho muddo korarsi waxaan ka shaqeyn doonna rabitaanka dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in tartanka Doorashada Madaxtinimada dalkeenu ay soo martay marxalado kala duwan iyadoo ay tan iyo markii Federaalka la Aas Aasay ay caado inoo ahayd in afartii sanaba mar la qabto Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha taas oo qof walba uu nasiibkiisa ka dhex raadiyo.Image may contain: 1 person, standingImage may contain: one or more peopleImage may contain: 1 personImage may contain: 8 peopleImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 6 people

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close