Wararka

Magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo Maanta ka bilaabaneysa qeybta koowaad  dacwad ka dhan ah Maxamed Nuur.

Magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa Maanta ka bilaabaneysa qeybta koowaad  dacwad ka dhan ah Maxamed Nuur oo ah Soomaali ka tirsanaa Ciidamada Booliska Magalada Minneapolis kaas oo lagu eedeeyey dilka Haweeney Australian ah.

Dacwadaan ayaa bilaabmeysa kadib markii la soo geba-gabeeyey xeer beegtida qaadeysa dacwad iyo eeda loo heysta Maxamed Nuur oo tira dhowr jeer ay Maxkamadeyntiisa ay dib u dhacday.

Maxamed Nuur oo ah muwaadinka Soomaaliyeed oo dacwada lagu soo oogay ayaa la sheegay in uu dilay Haweeney Cadaan ah dilkaas oo dhacay 15-kii July sanadkii hore 2017 da.

Justine Damond oo Maxamed Nuur loo heysto in uu dilay  15-kii July sanadkii 2017-kii, ayaa ka timid Magaalada Sdney ee Dalka Australia,waxaana Maxkamadeynta Maxamed Nuur ay dib u dhacday tira ka dhowr jeer.

Dhawaan ayaa la filayaa in las oo geba-gabeeyo Maxkamadeynta Maxamed Nuur oo ka tirsan Saraakiisha Soomaalida ah ee ka mid ah booliska Magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka,waxaana xeer beegtida loo soo xulay ay gaarayaan ilaa 12 Ruux.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close