Wararka

Magaalada Gaalkacyo oo laga bilaaway Diiwaangelinta casriga ah ee Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad goboleedka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ka bilowday Barnaamijka Diiwaangelinta casriga ah ee Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka ku nool magaalada Gaalkacyo.

Maanta ayaa laga bilaabay Magaalada Gaalkacyo Barnaamijkaan oo loo yaqaan BIMS oo ah Diiwaangelin casri ah oo la diiwaangelinayo Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka ku nool magaalada Gaalkacyo iyadoo horay barnaamijkaan looga soo sameeyey Magaalooyinka Boosaaso , Qardho iyo Garoowe.

Barnaamijkaan waxaa isla fulinayey Waaxda Daryeelka Bulshada ( Refugee and IDPs ) ee Wasaaradda Arimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta dowlad goboleedka Puntland iyo Hay’ada UNHCR.Image may contain: 3 people, people standingImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 5 people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close