Wararka

Madaxweyne Lafta-gareen oo xariga ka jaray waddooyin sidoo kalana dhagax dhigay MCH cusub.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa  Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobalka Bakool waxaa uu xariga kaga jarey Mashaariic Kala Duwan oo ay kamid yihiin, Wadooyin dhismahoodi mudo socotey, waxaana dhismaha Wadooyinka iska kaashtey shirkada  JPLG. Iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Cabdicasiis Lafta gareen ayaa sidoo kale dhagax dhigay dhismaha MCH cusub iyo Dhismaha Wado muhiim u ah isku socodka Shacabka iyo Gaadiidka taas oo gaarayso 1.5KM kana mid ah horumarada Magaalada xudur ka socota.

Madaxweynaha waxaa xarig jarkaas iyo dhagax dhigistaba ku wehlinaayay qaar kamida golahiisa wasiiradda oo ay kamid yihiin Wasiirada wasaaradaha Howlaha guud iyo Guryeynta iyo Maaliyadda KGS waxaa ayna ka hadleen Muhiimada ay waddooyinkaan iyo MCH ka u leedahey dadka deegaanka iyo sidoo kale Kaalinta wasaaradahooda ee horumarinta Gobalka Bakool.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabidcasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa sharaxey dhagaxdiga iyo furista wadooyin isagoona sidoo kale Maamulka Gobalka iyo kan Degmada ku amaaney sida ay uga shaqeynayaan shacabka.Image may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 1 person, standingImage may contain: 2 people, people standing and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close