Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ku tagay Taliska Ciidanka Cirka.

Muqdisho (tusmotv.so) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kormeer Shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Cirka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kormeerkan Shaqo Ee uu Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ku tagay Taliska Ciidanka Cirka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee afisooni ayaa ahaa mid uu ugu kuurgalayay Xaaladda ay ku suganyihiin Ciidanka Cirka iyo baahiyaha ay qabaan .

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed  Waxaana uu ka dhageestay Warbixin la Xiriirta  Xaaladda Ciidanka Cirka.

Taliyaha Ciidanka Cirka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali oo la hadlay Warbaahinta ka dib kulamadii ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayuu sheegay in Taliska Ciidanka Cirka ay ku faraxsanyihiin booqashada uu maanta ugu yimid Wasiirka Difaaca

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmamay in ay ka go’antahay tayeenta iyo horumarinta guud ahaan Ciidanka XDS, Waxa uu Xusay in wasaaradda Gaashaandhigga XFS ay ku guuleysatay dib-u-habeynta CXDS sidaas si lamid ahna  Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka shaqeyn doonto horumarinta , qalabeynta , dib-u-dhiska Xarumaha Ciidamada Cirka oo uu sheegay in kaalin muuqata kaga jireen difaaca qaranimada Soomaaliya .May be an image of standingMay be an image of 2 people and people standingMay be an image of 2 people and people standingMay be an image of 2 people and people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close