Wararka

Madaxweyne  Lafta-Gareen oo kormeer ku tagay  Xarunta Taliska Booliska Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tagay Xarunta Taliska Booliska Degmada Baydhabo.

Socdaalka madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee uu ku tagay xarunta Booliska Koonfur Galbeed Ee Magaalada Baydhabo ayaa ku aadanaa sidii uu indha-indheen ugu samayn lahaa shaqada maalinlaha ah ee ciidanka u hayaan shacabka iyo  Sidii loogu Dhiira gelin lahaa Sidii Shaqadooda Ay u kordhin lahayen.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa mid mid u booqday Qeybaha kala Duwan Xafiisyada Sida Taraafikada,Minishiimbiyada,Turbataariyada iyo Kuwa Amisom Qeybta Booliska ay Ku leeyihiin Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo.

Madaxweynaha waxaa gormeerka ku wehlinaayay wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, Saraakiisha Ciidanka Booliska Mileteriga Iyo Kuwa Amisom Gaar ahaan qaybta seddexaad(Secter 3).

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Ugu Dambeyn Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Ku amaaney, Sida ay usugeyaan Amniga Magaalada , Waxana Ciidamada Farey in ay sii laba Jibaaran Sugida Amniga.Image may contain: 5 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 4 people, people smiling, people standingNo photo description available.Image may contain: 5 peopleImage may contain: 3 people, people sitting and beard

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close