Wararka

Madaxweyne Ku xigenka Galmudug iyo taliyaha Boliska Soomaaliyeed oo kulan wada jir ah yeshay.

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Ali Dahir Eid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Ahna Gudomiyaha Gudiga Amniga Doorashoyinka Soomaaliya Gen Xajaar.

Kulankaan oo ay goobjoog ka ahayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa diirada lagu saray Amniga Doorashada Soomaaliya gaar ahaan mida ka dhacaysa Magaaloyinka Dhusamareeb iyo Galkacyo.

Taliyaha ayaa sheegay in Gudiga Amniga Doorashoyinka Soomaaliya ay sanadkan awooda sarayan in wadanka ay ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay oo si amni ah ku dhacda.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa tibaxay in Galmudug u ka jiro amni la isku halayn karo waxana uu intaasi ku daray in ay Galmudug ay sanadkan ka dhici doonto Doorashada ugu dahfuran islamarkana noqon doonta mid xor iyo xalal ah.

Taliyaha Booliska Soomalia ayaa maalmahan ku sugnan doona Galmudug waxana uu safaro ku kala bixin doona Magaaloyinka dhowr ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close