Wararka

Ra’iisal wasaare Khayre oo shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay qorshaha deyn cafinta dalka.

Waxaa maanta xarunta wasaaradda maaliyadda ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ka qabsoomay kulanka todobaadlaha ah ee looga hadlo dar-dargelinta qorshaha barnaamijka deyn cafinta dalka.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxaana ksoo qayb galay wasiiru-dowladaha wasaaradda maaliyada, agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo guddoomiyaha guddiga maaliyadda baarlamaanka, xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji.

Kulanka intii uu socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha xog laga siiyay heerarka kala duwan ee la soo maray, meesha hadda uu marayo qorsha cafinta deymaha, waxaana aad loo falanqeeyay guulaha la gaaray, sida ugu habboon ee dowladda federaalku uga soo bixi karto shuruuda ku xiran wareega afaraad ee qorshaha daynta dalka looga cafinayo (SPM4), heshiiyada ay wada galeen dowladda iyo hey’adaha maaliyadda adduunka iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah deynta cafinta ee baarlamaanka laga doonayo in ay meel mariyaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa faray wasaaradda maaliyadda, hey’adaha qaybta ka ah ka shaqeynta qorshaha deyn cafinta iyo guddigii loo xil saaray dhammeynta qorshaha dalka daynta looga cafinayo in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan buuxinta shuruudaha.

Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa kasoo baxday dhamaan shurudihihii ku xirnaa SMP1, SMP2 iyo SMP3, iyadoo ku hami qabto in laga cafin doona dhamaan deemaha dalka Lagu leeyahay.

Dowladaha iyo hey’adaha maaliyadda dunida ee deemaha ku leh dowlada Soomaaliya ayaa amaanay sida dowlada ugu go’antahay in deenta lagu leeyahay laga cafiyo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close