Wararka

Madweynaha dalka Aserbijan oo shaqada ka eryay wasiirkiisii arrimaha dibbadda.

Madaxweynaha dalka Asarbijaan Ilham Aliyev ayaa shaqada ka eryay wasiirkii arrimaha dibbadda dalkaas Jeyhuun Bayramof kadib dagaal dhex maray ciidamada dalalka Asrbijan iyo Armeniya.

War kasoo baxay xafiiska M/weyne ilhaam ayaa lagu sheegay in wasiirkaan uu xilka ka qaaday kadib markii uu xalin waayay khilaafka kala dhaxeeya dalka ay dariska yihiin ee Armeniya.

Madaxweynuhu waxaa uu xilka wasiirka u magacaabay Elmar Mamedyarof oo ahaa wasiirka waxbarashadda dalkaas.

Labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxaa jirtay xiisad colaadeed oo ka taagnayd xaduuda Asarbijan iyo Armeniya taasoo keentay in isku dhac ciidamada labada dal dhex martay ay ku geeriyoodaan 7 askari oo Asarbijan u dhashay iyo 4 askari oo Armeniyaan ah.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close