Wararka

Wasiirka Gaadidka iyo Duulista hawada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay taawarka cusub ee garoonka diyaaradaha Shati Gaduud.

Wasiirka Gaadidka iyo Duulista hawada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya xasan Xuseen Maxamed xasan Eley ayaa maanta dhegax dhigey Dhismaha taawarka cusub oo uu yeelan doono garoonka diyaaradaha Shati Gaduud Ee Magaalada Baydhab.

Dhismaha taarwarkan ayaa qaadan doona Muddo Afar bilood ah, Waxana maanta si wada jir ah u dhegax dhigey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladd KGS iyo Maareye kuxigeenka Garoonka diyaradaha Baydhabo.

Wasiirka iyo maareeyaha ayaa ugu horeen kormeeray goobta lagu dhisi doono tawarka laga hagi doono diyaaradaha kusoo degeya garoonka diyaardaha Baydhabo.

Maareeye kuxigeenka garoonka diyaradaha Magaalada Baydhabo Maxamed Sheikh C/laahi ayaa si aad ah ugu mahadnaqey wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada oo hergalinaysa taawarka cusub Ee loo dhisaayo goroonka diyaaradaha Shati Gaduud Ee Magaalada Baydhab.

Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Dowlad Gobolledka Koonfur galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eley) ayaa ka hadaley Muhiimada uu uleeyahay Garoonka Diyaaradaha Magalada Baydhabo taawarkan Maanta uu dhegax dhigey isagoona Umahadceliyay cid waliba oo gacan ka geysanaysa Dhismaha taawarka.Image may contain: 1 person, outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoorNo photo description available.Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close