Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyey weerarkii ay ku dhinteen muslimiin Soomaali ay kujirto.

Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta ah ee ku dhintay weerarkii ka dhacay masaajidyo kuyaal dalka Newzealand, guud ahaan gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii halkaasi ku dhintay,isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Newzealand tacsi u diray,una rajeeyey dadka weerarkaas  dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Sidoo akle raiiusl wasaaraha Soomaaliya  Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii muslimiinta haa ee weerarkaasi ku dhintay,wuxuuna raiisul wasaaraha dalka si gaar ah uga tacsiyadeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi.

Ilaa 49 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday masaajidyo kuyaala Christchurch ee dalkaasi.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close