Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay munasabada qalinjabinta dufcadii ugu horeysay tan iyo burburkii jamacada umada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya Xafladda Qalinjabinta Dufcaddii 20aad ahna dufcadii 1aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed tan iyo markii dib loo howlgaliyay sanadkii 2014.
Inkabadan 130 arday ayaa nasiib u yeeshay in ay maanta ka qalin jabiyaan Jaamacada umada Soomaaliyeed kadib burburkii dalka waxaa ayna ka kala qalin jabiniyaan shan kuliyadood oo kala duwan.

Xaflada waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin badanb oo uu kamid yahay wasiirka waxbarashada xukuumada Cabdullahi Godax Barre, goddoomiyaha Gobolka Banadir C/rahmaan Cumar Cusmaan Eng.yariisow, wasiirka caafimadka, guddoomiyaha Jaamacada umadda Soomaaliyeed,masuuliyiin kala socota Midowga Yurub iyo dowlada Talyaaniga.

Ugu horeyn guddoomiyaha Jaamacada umadda Soomaaliyeed oo munasabada ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacada ay kasoo bilaabeen meel hoose sanadkii 2013-kii xiligaas oo ay lakulmeen caqabada badan ilaa haddana ay jirto caqabada jira.

Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyay in ay jirtay meelaha u gaar ah Jaamacada sida Isbitaalo, gooba sheybaaro, gooba cilmi baarisyaal iyo meela hoy u ahaan jirtay ardayda ka kala imaado gobolada waxaa uuna madaxweynaha ka codsaday in laga kaabo dhismaha iyo dayactirka goobahaas.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo isna meesha ka hadlay ayaa sheegay in dadkii umadda Soomaaliyeed ay tahay meeshi uu ka soo qalin jabiyay maamulkiisana uu siin doona ahmiyad gaar ah.

Waasirka waxbarashada oo soo dhaweeynaayay madaxweynaha dowlada Somaaliya Mohamed C/lahi Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay in Jamacada in ay aad ugu faraxsan yihiin ardayda maanta qalin jabinayso waxaa uuna u mahadceliyay waalidiintii juhdiga badan galiyay ardayda iyo cidlasta oo ka qayb qaadatay geedi socodka ardaydaas.

Ugu danbeyn madaxweyne Farmaajo oo munasabada soo xiray ayaa ardayda ugu mahaceliyay dadaalka ay soo galiyeen waxbarashada isagoo sheegay in waxbarashada ay tahay furaha guusha.
Madaxweynaha ayaa ardayda guddoonsiiyay shahaadada qalin jabinta dufcadii koowaad ee Jamacada umada Soomaaliyeed kadib burburkii.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close