Wararka

Tusmotv.so (XOGTA OZIL): Jimco kasto Gubaabin ayuu soo dhigaa, maxay ugu dhigantahay?

3/20/2021-Muqdisho, Soomaaliya--Mascuud Ozil ayaa lagu tilmaamaa mid kamid ah cayaartoygii ugu mabda’a adkaa ee caalamka Soo maro (akhsiro).

Laacibkii hore ee Naadiga Arsenal iyo xulka qaranka Germany Mascuud Ozil oo habeen kasto oo Jimca ah barahiisa Bulshada Soo galiyo eraya muujiyo “sida ay u wanagsantahay inaad wakiiladda Allah oo kaliya ayaa caawo soo qoray fariin gil gishay Qalbiyadda taageerayaashiisa Muslimiinta ah.

Erayadaan oo ka koobna sifadda Alle ayaa waxaa ay adkeynaysaa sida Allah (SW) Marnaba u hoojin doonin adoomadiisa kuwa ka tago xumaanta, wanaaga falo oo fara.

Haddaba maxay tahay farintaas?.

Yaan qoraalka Iidin ku dheereynine, Ozil ayaa sidaan soo qoray “Ilaah wuxuu rajo siiyaa kuwa riyooda – Mucjisooyin buu siiyaa kuwa rumaysan hoosna uma dhigo kuwa isaga aaminsan”

13-kii Dec 2019 kii ayay aheed markii uu laacibkaan ka hadlay xaaladda Muslimiinta Uighur ee ku nool dalka Shiinaha kuwaa oo ay haysatay xaalada bani’aadannimo oo ay sabab u aheed xad gudub ay u gaysanaysay dowlada Shiinaha.

Ozil ayaa markaas Bartiisa Instagram ka ku soo qoray eraya Turkish ah oo micnahoodu yahay sida tan “

“Quraanka waa la gubayaa. Masaajidada waa la xirayaa, iskuulada muslimiinta waa la mamnuucayaa. Culimada diinta waa la dilayaa. Walaalaheenna si qasab ah ayaa loo geynayaa xeryaha Qxootiga”.

UN-ka ayaa ku qiyaastay in ilaa labo milyan oo qof oo u badan muslimiinta Uighur lagu xiray xaalado adag oo ka jira gobolka Xinjiang.

Wixii Intaas ka danbeeyay, Warbaahinta Shiinaha ayaa diidmo Qayixan ku diiday baahinta muuqaalada uu ku jiro cayaaryahan Mascuud Ozil balse waxaa arrinka sii huriyay Arsenal oo sii deysay bayaan ay ku sheegtay in “koox kubbadda cagta ah, Arsenal ay marwalba ku dhegan tahay mabda’a ah inaysan ku lug yeelan siyaasada.”

Haddaba Ozil muxuu kaga jawaabay eedeymahaan?

32 sano Jirnaan asal ahaan ka soo jeedi Turkidda balse haysta dhalashada dalka Germany oo waraysi siiyay the Athletic ayaa beeniyay in kooxda Arsenal ay ka marantahay siyaasad iyo naadiyada kale dhamaan.

Waxaa uu Tusaale u soo qatay dilkii George Floyd killed oo ahaa nin Madow ah balse haysto dhalashada Maraykanka waxaa uuna sheegay in aduunka uu si kore ugu hadlay dilkaasi taas oo uu ku tilmaamay mid xaq ah.

“Wax macno ah malahan diinta iyo midabka aad tahay – Muslim, Masiixi, Yuhuud, madow, cadaan ama wax kale. Kulligeen isku mid ayaan nahay,” Ozil ayaa u sheegay Athletic.

Waxaa uuna hadalkiisa sii raaciyay ““Waxa aan sheegay kama soo horjeedin dadka Shiinaha, waxay ka soo horjeedaan cid kasta oo waxaas ku sameyneysa Muslimiinta Uighur iyo dadka kale ee aan caawinayn, sida waddamada kale ee Muslimiinta”.

Ozil waxaa uu soo jeediyay in sida loo sameeyay dadka Africanka ah ee laga tiradda badan yahay oo kale loo sameeyo dadka Muslimiinta ah isaga oo arinkaas ka hadlayana waxaa uu yiri “

“Waxaa jira ciyaartoy badan oo madow ah gudaha Kooxda  Arsenal waana wax cajiib ah in kooxda ay taageerto. “Laakiin waxaan jeclaan lahaa in dadka ay sidaas oo kale u sameyn lahaayeen Muslimiinta maxaa yeelay Arsenal waxay leedahay ciyaartoy badan oo Muslimiin ah iyo taageerayaal sidoo kale Muslimiin ah.

Sanadihii 2011, 2012, 2013, 2015 iyo 2016, Mesut Ozil waxaa loo aqoonsaday cayaartoyka Sanadka ee Xulka Qaranka Germany balse hadda waa uu iska casilay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close