Wararka

MADAXWEYNE DALKA OO CAFIS MADAXWEYNE U FIDIYEY 148 MAXBUUS OO KU JIRAY XABSIYADA DALKA.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoojinaya dadaallada ku aaddan ka hortagga cudurka Koroona ayaa Cafis Madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo fudud.

Madaxweynaha ayaa soo saaray xeerka cafinta xukumaneyaashan kaddib warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista dalka oo uu u soo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa faray Taliska Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay dadaal mug weyn geliyaan badqabka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiyada dalka, si looga hortago halista caafimaad oo ay u nugul yihiin.

Si waafaqsan Qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee dowlada Federaalka Soomaaliya waxa uu Madaxweynuhu xukumaneyaashan u fidiyey Cafis Madaxweyne, iyada oo la xaqiijiyey in dhammaantood aysan u xukunneyn falal danbiyo culus.

Cafiskan uu madaxweynaha fidiyay ayaan wax saamayn ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah waxaana fulin doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyada oo la raacayo awaamiirta ku xusan xeerkan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close