Wararka

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Amb. Nicolas Berlanga Martinez.

Madaxweynaha Maamulka  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez waxaa ayna kawada hadleen xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi).Image may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: 3 people, people sitting, suit and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close