Wararka

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 84 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Wasiiru-Dowleyaal u kala magacaabay Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Maxamed Xasan Ciise Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, Axmed Shire Siciid Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha halka Fardowso Cismaan Cigaal loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wasiiro ku-xigeenno u kala magacaabay  Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Bashiir Jaamac Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdicasiis Maxamuud Macallin Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada iyo Sucaad Saalax Nuur  oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo kusugan Magaalada Boosaase ee xarunta gobolka Bari ayaa sidoo kale saacada ka hor magacaabay gudoomiyayaasha gobolada Bari iyo Gardafuu.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close