Wararka

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay Tababar loo soo xiray ciidamada loogu magac daray Beder iyo Uxud.

Dugsiga Tababarka Ciidammada ee Xorgoble waxaa lagu qabtay munaasab lagu soo afmeeray Ciidammada Beder iyo Uxud oo tababar ku soo qaatay Dugsiyada Xorgoble, 54aad iyo Badhan.

Munaasabada Ciidamadan Tabarbarka loogu soo xiray waxaa ka soo qayb galay Madaxwaynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni, Xubono ka tirsan labada gole, Siyaasiyiin iyo Saraakiisha Ciidammada.

Madaxda gudiga dib uhabaynta Ciidammada oo ay ka midyihiin Wasiirka Maaliyadda ah Gudoomiyaha gudiga Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amnig Cabdisamed Maxamed Galan iyo Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere ayaa ka hadlay Munasabada ciidamada loogu soo xiray tababarka.

Gudigu ayaa sheegay in ay ay ku farax san yihiin halka ay wax marayaan iyo Ciidammada maanta tababarka loo soo xiray.

Madaxwaynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni oo soo afmeeray munaasabada ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa waxana uu u mahad celiyay gudiga iyo Saraakiisha isku hawlay in in ay tayeeyaan Ciidammada.Image may contain: 1 personImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, sky, beach and outdoorImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close