Wararka

Madaxweynaha Philippine oo amar ku bixiyay in la toogta cidii jabisaa amarada bandawga.

Madaxweynaha dalka Philippine Rodrigo Duterte ayaa ka digay shaqaaqa ka dhalata Bandawga ay xukuumadiisa soo rogtay iyo amar diidada shacabka waxaa uuna shacabka dalkaasi u sheegay in ciidamada ay fasax u haystaan in ay toogtaan cid alaale cidii jabisaa sharuucda bandawga dalkaasi.

“Xalladu waa ay sii xumaanaysaa. Sidaasi darteet waxaan markale idin ku celinayaa Qatarta ay leedahay dhibaatadaan waana inaad dhagaysataan. Amarkayga ku aadan Ciidamada Militariga iyo Booliska…haddii ay dhibaato timaado ayna idin la dagaalamaan noolashiinana ay qatar gasho toogta. Taasi mala fahmay? Dhimo intaat dhibaato abuuri laheed, waan ku duugayaa”. ayuu yiri Rodrigo.

Philippine ilaa iyo hadda dhimashada dadka uu galaafta Coronaviruska waxaa ay gaarayaan 96 ruux, halka kiisaska la xaqiijiyayna ay gaarayaan 2,311 ruux waxaa uuna hadalkaani ku soo aadayaa iyadoo maalinimadii arbacada ay warbaahinta dalkaasi soo tabisay muuqaala muujinaayo ciidamada ilaalada waddooyinka bandawga lagu soo rogay oo dhibaataynaayo shacabka dalkaasi.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close