Wararka

Madaxweynaha mamul-gobaleedka K/Galbeed oo maanta gaaray degmada Diin-soor

Wafdigan  uu hoggaaminayay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Waxaa madaxweynaha iyo wafdiga  soo dhaweeyay maamulka degmada  Diinsoor, shacabka,  mas’uuliyiin iyo saraakiil halkaasi ku sugan.

Safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee degmadaasi ayaa waxa ku wehlinayay xubno ka tirsan maamulkiisa,waxaana inta uu ku sugan yahy  halkaasi uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Maamulka Degmada Diinsoor iyo Waxgaradka.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed   ayaa xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmadasi sida Garoon diyaaradeed iyo xarumo kale oo loogu talagalay in loogu adeego bulshada.

 

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close