Wararka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo,ayaa safar ugu baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay kadib marti-qaad uu ka helay masuuliyiinta dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah maamulka Soomaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo  warbaahinta lahadlay ayaa safarka madaxweynaha ka warbixiyey “Waxan doonayaa inaan halkan ummadda Somaliland uga baahiyo inuu jiro socdaal uu madaxweynaha Somaliland ugu baxayo dalka Imaaraadka Carabta, waana socdaal gaaban oo maalin iyo laba aan dhaafsiisnayn oo uu madaxweynuhu shaqo ugu baxayo, waxana uu socdaalkaasi ku saabsan yahay xidhiidhadii iyo wax wada-qabsigii hore uga dhexeeyey labada dal, waxana raacaya xubno xukuumadda kamid ah.”ayuu yidhi Prof. Yaasiin Faratoon.

Madaxweynaha waxaa Socdaalka ku wehelinaya wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka, Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin).Image may contain: 1 person, standing, walking, suit and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, sky, shoes and outdoorImage may contain: 5 people, outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close