Wararka

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulan la qaatay odeyaasha dhaqanka ee Koonfur galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen) iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa maanta  la kulmeen qaar ka mid ah odeyaasha dhaqanka Deeganada koonfur galbeed soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa shirka uu la yeeshay odayaasha waxaa ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wadashaqayn dhexmarta odayaasha deeganada Koonfur Galbeed iyo madaxda ugu saraysa dowlad Goboleedkaas.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa lagu lafa guray sidii amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed looga wadashqayn lahaa mas’uuliyadna la’iskaaga saari lahaa xaqiijinta amniga.

Kulankan ayaa ku soo aadayo xili qaar kamida shacabka iyo odayaasha kudhaqan Koonfur galbeed ay cabasha ka gudbiyeen xarigii loo gaystay Sheeq Muqtaar Rooboow oo ahaa musharax madaxweyne oo u loolamaayay kursiga Madaxweynaha  ee Dowlad goboleedkaas.Image may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close