Wararka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo garoowe ka daahfuray shirka kaluumeysiga Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa daahfuray shirka kaluumeysiga Soomaaliya shirkaan oo ay ka qeyb galayaan wasiirada kaluumeysiga maamulada dalka ka jira, kaluumeysato iyo xubno ka socda dalalka daneeya Soomaaliya ayaa waxa ugu horeyn goobta ka hadlay wasiirada kaluumeysiga dowlada dhexe iyo kan maamulka Puntland ayaa waxay sheegeen in shirka lagu soo bandhigi doono qaab ugu wacan ee maamulada dalka ay ugu faa’ideysan karaaaan kheyraadka badda.

Ugu dambeytii waxa munaasabada si rasmi ah u daahfuray madaxweynaha maamulka Puntland saciid cabdulaahi dani waxa uuna sheegay in shirka kaluumeysigu uu yahay muhiim isagoona kula dardaarmay dhamaan ka qeyb galayaasha in lagu dadaalo sidii dirada loogu saari lahaa ka faa’ideysiga kheyraadka badda oo Soomaaliya Ilaah ku maneystay.

“Runtii sharaf wayn bay Puntland u tahay, shirkaan noocaan oo kale ah inuu qabsoomo, maxaa yeelay waa iftiin horleh oo dadka Soomaaliyeed uga gudbayaan marxaladdii ku dul noolaanshaha dadka kale oo ay u gudbayaan inay iyagu la soo baxaan noloshooda, horumarkooda ganacsi ka shaqeeyaan, mustaqbalkooda ay iftiimiyaan”. ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Deni.Image may contain: 4 people, people standing and suitImage may contain: 6 peopleImage may contain: 6 peopleImage may contain: 1 person, smiling

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close