Wararka

Madaxweynaha Dalka Uganda oo waraaqaha safiirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee Uganda.

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa waraaqaha safiirnimo maanta ka gudoomay Safiirka cusub ee dowlada Federaalka u fadhin doono Dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur).
Safiirka J. F. Soomaaliya Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabuur ayaa gaarsiiyay Madaxweynaha Uganda salaan uu uga waday Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale Safiir Cali Cagabaruur ayaa gudoonsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal hambalyo ah uu usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhigiisa Uganda, middaas oo ugu hambalyeenayay munaasabadda dib loogu doortay Madaxweyne Museveni
Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ) ayaa horay usoo ahaa diblimaasi kasoo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin, Bakistaan iyo Uganda oo uu muddo labo sano ah ka ahaa Siihayaha safaaradda.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close