Wararka

Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay masuuliyiimtii hormuudka u ah Olalaha Isxilqaan.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay masuuliyiinta hormuudka u ah Olalaha Isxilqaan ayaa ku dhiirrigeliyey in ay kordhiyaan dadaalkooda si degdeg loogu soo gabagabeeyo dib u dhiska Caasimadda, looguna gudbo wajiga labaad ee Olalahan oo lagu hormarinayo guud ahaan gobollada dalka.

Masuuliyiinta oo isugu jira Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan goobaha dib loogu dhisayo Ololahan ee ilaa haatan gabogabada maraya oo ay ka mid yihiin Tiyaatarka Qaranka, Madxafka, Maktabadda, Taalooyinka iyo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay sida masuuliyadda leh ee shacabka Soomaaliyeed ay ugu hureen dib u dhiska dalkooda maal iyo muruq, taas oo horseedeysa in dib loo soo celiyo goobihii muhiimka u ahaa bulshada iyo bilicda dalka.

“Shaqadan muhiimka ah ee aad heysaan waa mid wax taraysa mustaqbalkeenna iyo kan ubadkeenna. Waxaan idin ku bogaadinayaa in aad sii xoojisaan doorka aad ka qaadaneysaan Ololahan, muwaadiniinta kalana aad ku wacyigalisaan idinkoo dareensiinaya qiimaha uu leeyahay” ayuu Yiiri madaxweynaha.Image may contain: 1 person, suitImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 4 people, suit and indoorImage may contain: 10 people, people sitting, table, wedding and indoorImage may contain: 7 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close