Wararka

Madaxweynaha dalka oo Japan ugu qayb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan.

Madaxweynaha Dowlada  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo lagu qabanaayo magaalada Yokohama ee dalkaasi Japan.

Furitaanka Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Cabdulfataax Alsiisi iyo Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika.

Inta uu kulankaan socda ayaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika.

Waxaa kulanka madaxweynaha ku wehlinaayo  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Balal Cismaan.Image may contain: 15 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: one or more people, people sitting, crowd and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: indoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 4 people, suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close