Wararka

Madaxda gobolka Waqooyi Barre oo kasoo hor jeesatay natiijadii tiro-koobkii lagu dhawaaqay shalay.

Madaxda gobolka Waqooyi Barre Kenya ayaa si aan caadi aheyn ugu soo horjeeystay jawaabtii kasoo yeertay guddiga Tira koobka Kenya oo maalinimadii shalay shaaciyay tirade guud ee dadla ku nool Kenya, waxaa ayna sheegeen in aysan caddaalad aheen jawaabtii kasoo yeertay Guddiga.

Gafana-toorada seddexda gobol ee kala ah Gaariso, Wajeer iyo Mandera oo shir jaraa’id iskuugu yimid ayaa la garab noqday madaxda kale ee gobolada dalkaasi Kenya ee kasoo hor jeesatay jawaabta guddiga Tiro koobka Kenya.

Madaxda ayaa shirka Jaraa’id ku sheegay in Tira koobkii la qaaday sanadkaan 2019-ka uu san aheen mid caddaalad ah waxaa ayna guddiga ku eedeeyeen in uu isticmaalay xogta tira koobkii 2009-kii. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dadka dago deeganada Gobolka Waqooyi Barri ay u badan yihiin reer guuraa saas darteetna aysan guddiga haynin tirade saxda ah ee dadka ku nool Gobolka Waqooyi Barri.

Sidoo kale madaxda waxaa ay sheegeen in xiliga tiro-koobkaan uu ku soo aaday amin ay jirto abaar taas oo sabab u ah in dad badan oo dego xaduuda Kenya ay la leedahay Itoobiya Iyo Soomaaliya ay u gudbeen dhanka dalalkaas iyagoo raadsanaayo daaq iyo Biyo.Image may contain: 1 personImage may contain: 2 people, people smiling, suitImage may contain: 13 people, suit and indoorImage may contain: 13 people, people sitting, table and indoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close