Wararka

Madaxa Xukumadda Galmudug oo xafiiskiisa ku qaabilay Musharax Madaxweyne Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Magaalada Dhuusa-Mareeb ee caasimada Dowlad goboleedka galmugud ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyay kusii qul qulaayay musharixiin u taagan xilka madaxtinimada Galmudug oo dhawaan lafilaayo in ay ka qabsoonta dowlad Goboleedkaasi.

Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kulan maanta xafiiskiisa kula qaatay  Musharax Madaxweyne Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)  ayaa soo dhaweeyay sida ay musharaxiinta u dooniyaan in ay waxbadan ka badalaan xaaladaha ka taagan deeganada Galmudug.

Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Musharaxa Wasiir Axmed Cabdi Kaariye(Qoorqoor) uga Warbixiyay Xaalada amaan Deegaanka isagoo Madaxa Xukumadda Galmudug Sheegay in ay soo dhaweenayaan Musharixiinta utaagan Xilka Madaxweyne Galmudug.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people smiling

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close