Wararka

Madax kasocotay hay’adda UNICEF oo maanta kormeer ku tagay  Isbitalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banadir.

Mas’uuliyiin ka socota Hay’adda UNICEF ayaa maanta booqday Isbitalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banadir, waxaa ayna u kuurgalayeen xaaladaha adeegyada caafimaad iyo baahiyaha ka jira Isbitaalka Banadir.

Masuuliyiintaan oo kala ahaa madaxa Caafimaadka  hay’adda UNICEF Dr. Chantal Umutoni iyo Maamulaha Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka Dr. Shysm Pathak.

mas’uuliyiinta maamulka isbitalka Banaadir oo ay ugu horeeyso Drs Fartuun Sharif Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa Isbitaalka kusoo dhaweeyay mas’uuliyiintaan maanta soo booqatay.

Kormeerayaasha kasocday hay’adda UNICEF ayaa warbixino ka dhageystay maamulka Isbitalka taas oo ku aadaneed baahiyaha ka jira Isbitaalka iyo adeegyada ay helaan bukaanada,si ay kaalin uga geystaan caawinaada bukaanada.

Isbitaalkaan ayaa kamid ah xarumaha caafimaad ee laf-dhabarka u ah bulshada Soomaaliyeed,marka laga hadlayo adeegyada caafimaad,waxaana ku jira bukaanno kala duwan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close