Wararka

Macluul ku habsatay dalka Koonfur Suudaan.

Inkabadan 60% dadka ku dhaqan Koobfurta Suudan ayaa wajahaayo gaajo sida warbixinta ay soo saartay dowladaas lagu sheegay.

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa kasoo yeerayso qayla dhan ay soo saartay dowlada Koonfurta Suudan iyo seddex hay’addaha ka hoos shaqeeyo Qaramada Midoobe kadib markii ay macluul iyo abaaro ba’an ay dalkaas soo wajaheen.

Inkabadan 60% dadka ku dhaqan Koobfurta Suudan ayaa wajahaayo gaajo sida warbixinta ay soo saartay dowladaas lagu sheegay.

Xaaladaan ayaa sababtay roob la’aan ka jirta dalkaas taas oo kentay in uu dalag u bixiwaayo iyadoo ay dadka reer Konfur Suudaan ay yihiin badankood dad beer qodato ah, sidoo kale waxaa sabab looga dhigay dhaqaalaha dalkaas oo hoos u dhacay iyo dagaalo uu dalkaas u jiray in muddo ah oo ay ku nafwaaayeen ku dhawaad 400,000 ruux.

Mas’uul u hadlay hay’adda cuntada addunka ee magaceeda loo soo gaabiyo (WFP) oo layerahda Hsiao-Wei Lee, ayaa mar uu ka hadlaayay caasimda  Koonfurta Suudaan ee Juba ayaa waxaa uu sheegay in baahidu ay sanadkasta sii gareeysa heer aad u xun, waxaa uu sheegay in malaayiin qof oo ku nool Koonfurta Suudaan aysan hubin qadadooda halka ay noqon doonta haddii ay quraacdaan gaar ahaan waqtigaan.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close