Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo agaasimay Madal looga hadlayay horumarinta Ganacsiga Caasimadda Muqdisho.

Madashaan ayaa waxa ka wada qaybgalayay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir uu hogaaminayay Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Fiish) iyo Ganacsatada Soomaaliyeed uu horkacayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Mohamed Abdi Ali Gabeyre.

Madashaan ayaa looga dooday Iskaashiga dhex mari kara D/Hoose iyo Ganacstada si loo horumariyo ganacsiga caasimadda. Ka qaybgalayaasha ka socday Ganacstada gaarka ah ayaa si toos ah u weydiinayay su’aalo Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir oo iyagana dhankooda ka jawaabayaya.

Waxaa diiradda lagu saaray Madasha Caqabadaha heesta Ganacsiga Caasimadda iyo Fursadaha jira ee lagu horumarin karo ganacsiga iyadoo dhanka kale laga hadlay muhiimadda kobaca ganacsiga ee uu leeyhaya shaqo abuurka iyo horumarka dalka.

Ugu danabayn ayaa leesla gartay in labada dhinac ay ka wada shaqeeyaan xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxeysa si hanaan wada jir ah looga gudbo caqabadaha horyaala Ganacsiga caasimadda waxaana lagu hishiiyay in la dhisi doono guddi mid ah oo ka hawlgala arrimaha Horumarinta Ganacsiga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close