Wararka

laba qodob oo kentay fashilka Shirkii Dhusamareb (akhriso).

Waxaa Natiijo la’aan kusoo dhamaaday shirkii wadatashiga Doorashadda ee ka socday magaalada Dhuusamareeb ee casimadda dowlad goboleedka Galmudug sida uu faahfaahiyay wasiirka Warfaafinta Xukuumada federaalka Soomaaliya Cismaan Nur Dubbe.

Wasirka ayaa sheegay in dowlada ay samaysay tanaasul oo ku salaysan qodobadda laisku haayay sida arrinta xal u helida Gobolka Gedo, tabashada Guddiyadda doorashada, Tabashadda guddoomiyaha aqalka sare iyo qodoba kale.

Sidoo kale Wasirka ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo uu tanaasul u sameeyay qodoba aan ka mid aheed heshiiskii 17-kii December ka dhacay Muqdisho.

40% xubnaha guddiyadda doorashada ee goboladda Waqooyi ayaa loo ogoladay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi balse waa uu diiday sida uu sheegay Wasir Dubbe.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa isna Diiday in ciidama ka madax banaan dowlada federaalka, kuwa kamid ah AMISOM ee ka soo jeeda Kenya iyo Jabuuti lageeyo xarunta gobolka Gedo ee Galbahareey.

Madaxweyne Axmed Islam ayaa ku adkaystay in maamulkii hore ee gobolka lagu celiyo xafisyadooda iyada oo aan wax dib u heshiisiin laga gaarin doorashadii ka dhacay Jubbaland oo beelaha daga gobolka Gedo suluug ka muujiyeen sida aan ka soo xiganay Wasirka Warfaafinta XFS.

Wasir Dubbe waxaa uu sheegay ilaa hadda lagu heshiiyay hal qodob kaas oo ah in xafiiska Ra’isal wasaaraha loo xil saray wax ka badalka xubnaha cabashada laga muujiyay ee Guddiyadda doorashada kamid ka ah.

Waxaa markale la’isugu soo noqon doonaa shir aan la shegin gorta iyo goobta uu ka dhici doona sida uu yiri Wasirka Warfaafinta.
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saacadaha soo aadan ku soo food leh caasimada dalka waxaa uuna si deg deg ah u hortagi doona mudanayaasha golaha shacabka isaga oo ugu warbixin doona halka uu xalka marayo iyo talabadda xigta.

Wixii ku soo kordha nala joog oo cusboonayso tusmotv.so

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close