Wararka

Laba qarax oo ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Tunisia.

Laba qarax oo isxig xigay ayaa maanta ka dhaca caasimda dalka Tunisia waxaana ku dhintay sargaal Boolista dalkaasi kamida iyadoo ay dadbadana ku dhaawacmeen.

Qaraxii koowaad ayaa ahaa mid ismiidaamin ah oo lagu beegsanaayay saldhig Booliska ay leeyihiin oo ku yaalo bartamaha caasimada Tunis, wadada Charles de Gaulle halkaas oo aan aad ugu dheereen safaarada faransiiska ay ku leedahay dalka Tunisia.

Sida laga soo xigat wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, waxaa ilaa hadda la xaqiijiyay in uu ku dhintay taliye Boolis sidoo kalena ay ku dhaawacmeen seddex ruux oo shacab ah.

Kii labaad ayaa isna ahaa mid ismiidaamin ah waxaa uuna ka dhacay degmada al-Qarjani oo ah meesha laga waardiyeeya caasimada dalkaasi marka lasoo galaayo.wasiirka arrimaha gudaha dalka Tunisia ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen afar kamida ciidamada amaanka dalkasi.

Illaa iyo hadda majirto cidsheegatay masuuliyada weerarkaas lagu qaaday dalka Tunisia oo ay ku dhaawacmeen in kabadan seddeed ruux laguna dilay taliye Boolis.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close