Ciyaaraha

Real madrid oo markale kulaabaneeyso saxiixa Neymar.

Kooxda kubadacagta ee Real Madrid ayaa  muujisay xiisaha xidiga Garabka uga ciyaaro naadiga PSG ee neymar kaas oo mudo bartilmaameed u ah kooxda Real Madrid Tan iyo markii eey fasaxeen xidigoodi cr7 kaas oo xili cayaareedkaan bilaawkiisi kubiiray kooxda juvantus.

Hogaamiyaha kooxda Real Madrid Zidane ayaa loobalan qaaday aduun lacageed oo gaaraayo 430milyan oo euro oo kooxda dib udhis loogu sameeynaayo waxaana qorshaha hoolgalka Real uu kabilaaba naayaa xidiga kooxda PSG ee Neymar kaas oo lacaga rikoor ah ugu  biiray naadiga PSG sanadii 2017 markaas oo Barcelona eey dhaafsatay aduun lacageed dhan 222milyan oo euro ah.

Xidiga ayaa haatan garoomada ugu maqan dhaawac hasayeshee PSG ayaa sheegtay in xidiga eeysan iibin doonin dhamaadka xili cayaareedkan.

Warsidaha Marca ayaa sheegaya in kooxda Real Madrid qorshaha labaad eey ka dhiganeeyso Neymar marka hore eey rabaan ineey gacanta ku soo dhigaan Hazard oo lacago jaban eey ku soo helikaraan maadaama xidiga uu diyaar uyahay inuu ka dhaqaaqo kooxdiisa Chelsea. Real Madrid ayaa sidookale xiiso uqabto xidiga khadka dhexe uga ciyaaro Man United ee Pogba.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close