Wararka

Kulanka Golaha shacabka oo furmay.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa hadda si rasmi ah u daahfuray Fadhiga Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

139 mudane ayaa xaadir ah Fadhiga maanta waxaana lagu wadaa in looga dooda saamaynta Fayraska Covid19, U Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga M/B ee Xuduudaha iyo U Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Waxaa kulanka Jooga Dr. Fowziyo Abikar Nuur Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumada federaalka Soomaaliya oo warbixin ka siin doonta golaha fayraska covid19.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza oo ka mid ah Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka,waxaana ogolaatay 136-Xildhibaan 3-Xildhibaan ayaa ka aamustay wax diidayna ma jirin.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close