Wararka

kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Midowga Musharaxiinta iyo safiiradda beesha calamka.

Goor dhaw waxaa Jazeera Hotel ku soo gaba gaboobay Kulan Aalada la iska arko ku dhexmaray Midawga Musharixiinta iyo Wakiilada beesha Caalamka.

kulanka ayaa diirada lagu saarayay xaalada uu dalku marayo gaar ahaan arimaha doorashada. Midawga musharixiinta waxaa kulanka uga qeyb galay Musharixiinta kala ah:
Xasan Cali Khayre
Xasan Sh. Maxamuud
C/Raxmaan Cabdishakuur
Shariif xasan Sh Adan.
Besha Caalamka wakiiladooda waxaa kamid ahaa Wakiilka Qaramada midoobay Iyo Shan Safiir oo ka socday dawlado iyo urur goboleedyo.

Midawga musharixiinta waxay si cad usheegeen mowqifkooda doorasho ee ah inay dhacdo doorasho halaal ah oo loo dhan yahay, waxay sheegeen in aanay mar naba aqbalayn sida ay Villa Somalia hada wax ku wado.

Wakiilada Beesha caalamka waxay balan qaadeen inay ka shaqayn doonaan in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay. Labada dhinac ayaa ku ballamay in ay si wadajir ah arintaas uga wada shaqeeyaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close