Wararka

Kulan looga hadlaayay xaaladaha dadka barakacayaasha oo lagu qabtay magalada Kismayo.

Waxaa maanta Magaalada Kismayo ee xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland lagu qabtay kulan ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Jubbaland kaas oo looga arrinsanaayay sidii xal waara looga gaari lahaa dadka barakacayaasha ee jooga Jubbaland islamarkaasina loogu heli lahaa guryo ay ku hoydaan,goobo Caafimaad iyo Waxbarasho iyo dhammaan adeegyada Bulshada.

Kulanka waxaa qayb ka ah Maamulka Gobolka iyo kan degmada Kismaayo,Rugta ganacsiga Jubbaland,guddiga arrimaha bulshada ee gollaha Wakiilada Jubbaland,Odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah Hay’adaha Samafalka ee ka howl gala deegaanada Jubbaland.

Magaalada Kismayo ayaa hooy u ah dad kasoo laabtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo kuwa ka soo barakacay deegaanada ay howgalada kawadaan ciidamada xogga dalka.Image may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close