Wararka

Kulan la filaayo in ay yeeshan Seddex maamul goboleed iyo wafdi ka socda maamulkadaasi oo garay Baydhabo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya cabdi-Asis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta Garoonka shaati gaduud ee Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxweyne Waare oo ay socdaalkiisa ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan labada Golle ee Hirshabeelle, waxa uu Baydhabo kaga qaybgali doonaan shir u dhexeeya dawlad goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Shirka waxaa looga hadlayaa xiriirka ka dhexeeya dawlad goboleedyada, arrimaha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan doorashada soo socota iyo iskaashiga amniga.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa isna la filayaa inay gaaraan dhawaan magaalada Baydhabo.Image may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 5 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 3 people, people sitting, shoes and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close