Wararka

Jubland oo war kasoo saartay Xaaladaha ka jira Gobolka Gedo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu kaga hadlay xaalada gobolka Gedo.
Waxaa uu sheegay in Dowladda federaalku ay gobolkaasi ka abuureyso jahwareer siyaasadeed ka dib markii Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo uu Magacaabay Gudoomiyeyaal degmo sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland.

Wasiir Darwiish ayaa sheegay in arrimaha muddooyinkii danbe ka socday gobolka Gedo ee ay taagerayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay yihiin kuwo sharciga baalmarsan.

Waxa uu wasiirku sharci darro ku tilmaamay in qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo xilka laga qaado kuwo cusubna la magcaabo, waxaana uu sheegay in Dowlad goboleedka Jubbaland ay aqoonsantahay Guddoomiyeyaashii ay wasaaraddu u magcowday degmooyinka gobolkaasi.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close