Wararka

Gabar Horey Uga Mid Noqotay Ururka Daacish Oo Laga Hor Istaagay Inay Ku Laabato  Dalka Mareykanka.

Hoda Muthana oo ah gabar haysta Dhalashada dalka Mareykanka horeyna ugu biirtey ISIS-da dalka Ciraaq  ayaa laga hor istaagay in dib ugu laabato dalkaasi kadib markii ka tanaasushey Fikirkii Daacish ay Ugu Biirtay.

Wasiirka Arimaha Debadda ee dalka Mareykanka Mike pompeo ayaa Sheegay  in Mss Roda loo ogolaan doonin in ay markale timaado dalka Mareykanka.

Pompeo ayaa qoraal kooban ku Sheegay in go’aan laga gaarey Gabadhan oo sheegtay in ay ku khaldan tahay in ay ku biirto Kooxda Daacish, hadana ay doonayso in ay dib ula midowdo qowskooda oo ku nool gobolka Alabama ee dalka Mareykanka.

Hoda Muthana ayaa sanadkii 1994-tii ku dhalatey dalka Mareykanka,, waxaana ay ka mid noqtay tiro dhalinyaro Muslimiin ah oo ay duufsatey  kooxda Daacish kuwaasi Mareykanka uga soo haajirey in ay ka garba dagaalamaan ISIS.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close